|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Gaari Booyada ah oo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Warshaddii hore ee Baastada u dhaaminayay Biyaha ayaa waxay Maanta Miino kula qaraxday agagaarka Isgoyska Fagax Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga Booyadda oo ay saarnaayeen Saddex askari iyo darawalkii waday oo Itoobiyaan ahaa ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday darawalkii waday Gaarigaasi ayna ku dhawacmeen 3dii askari ee kale oo lasocdey Booyada.
Booyadda la qarxiyey oo subax waliba Biyaha ka soo qaadi jirtay Ceel Biyood ku yaala Degaanka Sanca ee Degmada Kaaran ayaa waxaa loo dhigay Waddada Miino kuwa dhulka lagu aaso ah ee lagu qarxiyo Rimote-Contarol.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay tageen goobta Booyaddaasi lagu qarxiyey ayaa rasaas ay fureen waxaa la sheegay in dad rayid ah ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday Cusbitaalka Keysaneey ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Ma aha markii ugu horreysay ee Gaari ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Itoobiya Miino lagu qarxiyo, marar badanna waxaa Gawaarida Itoobiyaanka Miino loo dhigay Waddada isku xirta Isgoysyada Fagax iyo Ex Kontarool Balcad oo Gawaarida Ciidamada Itoobiya si nabad ah u isticmaalaan, waxaana dhawaan Waddadaas Gaari kuwa Ciidamada Itoobiya ah kula qaraxday Miino, iyadoo sidoo kale Booyadda maanta la qarxiyey horey kooxo hubeysan oo dareeska Ciidamada Dowladda soo xirtay ay rasaas ooda uga qaaden, kuna dileen askartii Itoobiyaanka ee Booiyaddaasi saarnayd.
|